oggolaasho joogitaan ma leh, hadda maxaa jira?

Mararka qaar nolosha waxay u biya shubataa wax aadan filaneyn. Waxa aad Nedralnd u timid in aad halkaan aayatiinkada ku dhisto. Balse waxaa caddatay in aan oggolaasho joogitaan lagu siinin, oo tusaale ahaan codsigaadi magangelyo la soo diiday. VluchtelingenWerk Nederland (Hey’adda Qaxootiga U Adeegta ee Nederland) waxa ay kula eegi karaan fursadaha aad weli heysato. Waxaan kaloo kuugu caawini karnaa sameynta qorshaha aayatiinka. Haddii aad ka fekereyso dib ugu laabasho waddanka aad ka timid, markaa waxaan kula xiriiri karnaa hey’ado kuugu caawini kara marka aad dib u noqoneysid.
placeholder

Dejjin soo dhoweyn

Haddii ay IND ay soo diido codsigaada magangelyo, dowladda Nederland waxa ay ka rabtaa in aad dib ugu noqoto waddanka aad ka timid. Dowladda waxa ay ku weydiisaneysaa in aad xaruunta magngelyodoonka ka tagto. Waxaa dhici karta in bannaanka lagu dhigo, inkasta oo xaaladda markasta sidaa aysan ahayn. Qoysaska carruurta leh tusaale ahaan waa in mar kasta la siiyaa dejjin soo dhoweyn. Ka wareeyso hagahaada VluchtelingenWerk sida ay tahay xaaladdaada dejjin soo dhoweyn.

Haddii aan Nederland oggolaasho joogitaan laguugu siinin, waxaad markaa leedahay saddex fursadood:

1. In aad sharcidarro ku noolaato

Sharcidarro ku noolaashaha waa wax adag. Si sharciga waafaqsan uma shaqeysan kartid waana ay adag tahay si aad ku heesho goob aad degto. Haddii aad bannaanka ku nooshahay, waxa aad tegi kartaa dejjinta soo hdoweyn ee habeenka oo tusaale ahaan Leger des Heils, laakiin mararka qaar dejjintaa soo dhoweyn waa mid buuxda. Ma la arko waxaad qatar ugu jirtaa in boliiska ay ku qabtaan, ay ku xabbisaan oo aay ku geeyaan xabsiga. Marka waxaa weli lagaa saari karaa waddanka. Mussafirka oo sharcidarrada ah inta badan waa la isticmaalaa. Dadka waxa ay kuugu qasbi karaan in aad kala qeyb gasho hawlgallo dembi ah. Adigo oo aan lahayn wax dokumenti ah waxa aad Nederland ku leedahay xannaanada caafimaad oo daruuriga ah.

Warbixin dheeraad ah oo dadka aan ku lahayn oggolaasho joogitaan Nederland waxa aad ka heleysaa barta: www.basicrights.nl

2. Dib ugu noqosho waddanka aad ka timid

Haddii ay dowladda Nederland ay ku siin weyso oggolaasho jogitaan, waa muhiim in aad aayatiinkaada aad ka fekerto. Waan fahmeynaa in taasi aysan fududeyn. Waxaad VluchtelingenWerk la yeelan kartaa wadahadal ku saabsan in ay macquul tahay dib u noqosho. Ama hey’ad kale oo bixisa garabgal xagga dib u noqoshada. Adiga ayaa go’aansanaayo in aad dib u noqosho dooneyso. VluchtelingenWerk waxa ay u aragtaa in waddamada qaar aysan nabadgelyo dib loogu noqdo lahayn markaana taasi kuguma caawinaayaan. Balse waxaan kuu gudbin karnaa hey’ado kale oo caawinaad dib ugu noqosho ee waddamadaasi bixiya.

Haddii aad si isku filan aad dib ugu noqoneyso waddanka aad ka timid, waxaad heli karta garabgal. Garabgalkaasi waxa uu noqon karaa shay, adeeg ama khrash dhaqaale. Tusaale ahaan lacag aad dukaan aad leedahay ku bilabato iyo/ama in laguugu caawino qorinsta qorshaha shirkad. In aad heleyso garabgal iyo maxaad xuquuq u leedahay, waxa ay ku xiran yihiin qofka iyo waddanka. Hoos waxaa ku xusan fursadaha iyo waddamada ay quseeyaan. Miyaanu waddankaada (weli) ku jirin halkaan? Markaa la xiriir hagahaada ee VluchtelingenWerk si aad warbixin dheerad ah u hesho.

Dib u noqosho qasab ah

Haddii codsigaada magangelyo la soo diiday, waxaa kula soo xiriiraaya hey’adda dowladda ee Adeegga Dib u Noqoshada iyo ka Saarista (DT&V) si aad u aado waddanka aad ka timid. Taasi laguma jeedo in si toos aad Nederland uga baxeyso. Haddii uu qareenkaada go’aaka IND abiil kaaga qaaday, waxaa kuu macquul ah in go’aanka xaakimka inta badan aad Nederland ku sugan karto. Ka wareeyso hagahaada VluchtelingenWerk waxa ay xaladdaada dejjin soo dhoweeyn tahay. Waxaa muhiim ah in aad ogaato: haddii aad xulan weyso in aad iskaada dib ugu noqoneyso, balse si qasab ah laguu saaraayo, waxa garabgal ah kama heleysid dowladda Nederland.

3. Joogitaan waddan kale oo aan Nederland ahayn

Keddib diidmada dowladda Nederland waxa aad ka fekeri kartaa in waddan kale aad degi kartid. In taasi ay macquul tahay waxa ay ku xiran tahay xaaladdaada shaqsiga ah. VluchtelingenWerk waxa ay qareenkaada ama safaaradda waddankaa weydiin karaan maxay fursadahaada yihiin.