Return to Ciraaq

Dowladda Nederland waxa ay go’aansatay in ay tahay mar dhow in aad adiga Nederland ka tagto. Hadii aad ku fekereyso in aad dib ugu noqoto waddankaada oo aad ka timid markaa VluchtelingenWerk arrinkaa waa ay kula fekeri kartaa. Marka aad baadi goobto wixii macquul ah, waxa aad qaadan kartaa go’aan wanaagsan.
placeholder

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Caawinaadaa waxaa barbar socdo garabgalka ka yimaada nidaamka-REAN Garabgalka Noqdayaasha iyo Muhaajiriinta ee Nederland (Return and Emigration Assistance from the Netherlands). IOM waa hey’adda oo nidaamkaasi amarka dowladda ku fuliso. REAN waxaad ka heleysaa talo bixin, tiked dullimaad, cawinaad sida aad dokumenti lagu safro u heli lahayd, iyo lacag jeebka oo daruuriyaadka ugu horreya ku maareeyso. IOM waxa ay kaloo ku siineysaa cawinaad dhab ah inta aad safarka dib u noqosho ku jirto. VluchtelingenWerk xitaa ama hey’ado kale oo kuugu caawini kara dib u noqoshaada ayaa kuugu caawini karo in garabgalkaasi aad IOM ka codsato. Waa in balse aad ku soo baxdo dhowr shuruud (voorwaarden).

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Kabista siismada ah ee dib u noqosho ee Ciraaq waa kuwan:

  • €1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.
  • €2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa €1800 + €1800 + €2800 = €6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan €900.

Waxaa taa barbar socda in aad nidaamka- REAN ka heli karto tusaale ahaan tikid dullimaad iyo lacag dheeraadah (€200 oo qaan gaarka sene, €40 oo ah ilmaha la safraayo).

Hey’adahee dib u noqoshada caawinaad ka bixiya?

  • VluchtelingenWerk Nederland waxa ay kuugu garabgaleysaa brojektiga Met Opgeheven Hoofd 2 (Adigoo Madaxa kuu Taagan Yahay 2) in aad ka fekerto fursadahaada ee dib u noqosho. Haddii waddankadii aad ka timid aad ku ferkereeyso in aad dib ugu noqot, markaa VluchtelingenWerk waa ay ku kugu hagi karaan is diyaargareynta. Haddii aad taasi rabto, waxaan kula xiriiri karnaa hey’adda aan lammaanaha la nahay ee waddankaada. Hey’addaasi waxa ay halkaak u leedahay shax oo xiriiro waxa ayna aqoon u leeyihiin xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale. Marka ugu horreysa waxaan ka wada hadleynaa fursadaha tusaale ahaan shaqada, shirkad aad leedahay, in aad mar hor leh xiriir la sameyso reeraha, xirfad barashada, daryeelka caafimaadka iyo guriyeenta. Marka aad dib u noqoto waxaa ku siinaayo dejjin soo dhoweyn hey’adda lammanaha ka ah waddankaada aad ka timid waxa ayna kugu hagayaan dib-ula qabsashada bulshada iyo maalgelinta lacagta la heli karo.
  • IOM , Hey’adda Caalamiga ee Haajirka (Internationale Organisatie voor Migratie), waxa ay kuugu caawini karaan marka aad dib u noqoto sidii noloshaada aad dib gacanta ugu dhigi lahayd. IOM waxa ay kaddib dib unoqoshada kuu hirgelin kartaa maalgelin guriyeenta, xirfad barashada ama shirkad. Ma aha in ay ku siinaayaan lacag, ee waxa aad heleysaa nidaamka-dabiiciga ah (qalab ama adeeg) iyada oo lala shaqeeynaayo xafiiska-IOM eek u yaal waaddanka aad ka timid.
  • WereldTools 2018 – 2021 waxa ay ka qeyb qaatayaasha ku garab galaan sida ay shirkad u gaar ah u bilaabi lahayeen. Dadka ka qeyb gala brojektiga WereldTools (Agabka Aduunyada) waxaa la siinayaa sanduuq qalab ah, agab iyo makiinnado si ay waddanka ay ka yimaadeen sida ugu dhaqsida badan dib u noqoshada keddib ay u shaqeeysan lahayeen. Xafiiska-IOM ee goobtaasi ayaa sanduuq kuu qabanaayo marka u soo gaaro cashuuraha.
  • Solid Road waxay bixisaa tababarro gaagaaban oo kala duwan si xirfad lagu shaqeeysto loo barto. Aqoonta oo aad hesho inta tababarka socdo waxa aad uga bilaabi kartaa shirkad waddankaada oo aad ka timid. Tababarrada oo aad ku xirfad baraneeyso waxaa dhinac socda tababar ganacsiyeed markaasd dhammeysana waxaa lagu siinayaa shahaado. Waxaa la socda lacag aad u adeegsan karto qalab oo kugu caawini kara dib ula qabsashada bulshada.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa 5.0. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid. Keddib dib u noqoshada waxaa ku hagaaya lammaane ku sugan waddanka aad ka timid.
  • Goedwerk Foundation waxaa ay bixiyaan xalal dib u noqosho uu ku beegan xaaladda shaqsiga ah, madaama dadku kala duwan yihiin. Isku diyaarin wacan oo Nederland ka dhacdo iyo xannano dambeo oo waddanka aad ka timid ka dhacdo, waxa ay (Shaqowacan)Goedwerk dooneysaa ay ku hirgeliso in dib u noqoshaada si dhib la’aan ah u fusho. Shaqaalaha ayaa kula sameeynaayo qorshe aayatiinka waxa ayna kula eegayaan lacagta dib ula qabsashada bulshada sida aad dooneyso in aad u adeegsato.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

Hey’adaha lammanaha ee waddanka aad ka timid waxa ay ku siin karaan warbixin xaladda waddankaada wayna ku garabgeli karaan kuna hagi karaan marka aad dib u noqoto.

  • ETTC. VluchtelingenWerk waxay wada shaqeeyaan Ciraaq kula leeyihiin hey’adda Xaruunta Yurub ee Tababarrada iyo Teknologiyada ETTC (European Technology and Training Centre). ETTC waxa ay hagtaa dadka reer Ciraaq oo dib u soo noqday (shaqsi iyo qooysba) si ay nolol cusub u abuurtaan. Iyaga ayaa dadka dib u soo noqday ku qaabilaaya degada diyaaradaha, ku caawinaaya baadi goobka hooy (ku meel gaar ah) waxa ayna ku garabgalayaan sidii ay u sameyn lahayeen shirkad yar ama ay shaqo u heli lahaayeen. Waxa ay kaloo kaa caawini karaan helista xirfad- ama wax-barashada, shax xiriiro oo wax gal ah, waxa ayna dadka u baahn u gudbin karaan hey’adaha caafimaadka. VluchtelingenWerk waxa ay la xiriireysaa ilaa sannad dib u noqoshada keddib hey’adda lammaanaha la ah si ay ula socdaan sida xaladdaada ay noqotay.  
  • Haddii aad garabgalka IOM xulatay, waxaa ku caawinaaya shaqaalaha Xafiiska-IOM ee Ciraaq sida aad u bixineyso lacagta-dabiicga ah. Taasi inta ay tahay waxaad u adeegsan kartaa tusaale ahaan kiro, barasho xirfad, tababar, iibka shirkad iwlm.
  • Xitaa hey’adaha kale waxa ay la wada shaqeeyaan lammaanayaal goobta ku sugan ee waddanka aad ka timid. Lammaanahaa midka uu yahay iyo maxuu kuu teri karaa waa kala duwanaan kartaa.