Dib u noqosho oo Aserbeidjan

Ma ku fekertaa in aad waddanka aad ka timid dib ugu noqoto? VluchtelingenWerk tasi wa ay kugu hagi karaan, si aad xulasho wacan u sameyn karto ee ayaatiinkaada.
placeholder

Ururro kala duwan oo Nederland ku sugan ayaa ka geysta caawinaad dib u noqoshada. Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk) ma ku laha Aserbeidjan lamaane. Waxaa malaha macquul ah in aad dib u noqon karto adiga oo adeegsanaayo ururro kale. Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk) waxa ay kula xiriirin karaan ururradaasi. Adiga ayaa xulaano ururka ku wanaagsan xaaladdaada.

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Caawinaadaan waxaa barbar socda garab gal dheeraad oo lacageed la helaayo nidaamka-REAN Ku Garab Gelista ka Haajirka iyo ka Noqoshada Nederland(REAN -regeling Return and Emigration Assistance from the Netherlands). REAN waxaad ka heli kartaa la talin, tikidh duullimaad iyo caawinaad sida aad dokumenti safar u heli lahayd. IOM Ururka Caalamiga ee Hijrada (International Organization for Migration) waxaa uu mas’uul ka yahay fulinta brograamka-REAN. Xitaa ururro kale wax ka caawina dib u noqoshada waa ay kuu codsan karaan garab galkaasi dheeraadka ah. Si aad nidaamkaasi u adeegsato waa in dhowr shuruud ah ka soo baxdaa. Weydii hagahaada in adiga aad adeegsan karto magdhowgaasi dheeraadka ah.

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Kabista siismada ah ee dib u noqosho ee Aserbeidjan waa kuwan:

  • € 1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.
  • € 2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa € 1800 + € 1800 + € 2800 = € 6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan € 900.

Waxaa taa barbar socda in aad nidaamka- REAN ka heli karto tusaale ahaan tikid dullimaad iyo lacag dheeraadah (€ 200 oo qaan gaarka sene, € 40 oo ah ilmaha la safraayo).

  • Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk Nederland) iyaga oo ka amba qaadaayo brojektiga Macal Madax Taag 2 ayeey wadahadal kaala gelaayaan maxay yihiin fursadahaada dib u noqosho iyo dib- ula qabsasho ee waddanka aad ka timid. Nafsaddeenna ma sameyno hagista dib ugu noqoshada Aserbeidjan, balse waxaan karnaa in aan kula xiriirinno ururro kale.
  • IOM , Hey’adda Caalamiga ee Haajirka (Internationale Organisatie voor Migratie), waxa ay kuugu caawini karaan marka aad dib u noqoto sidii noloshaada aad dib gacanta ugu dhigi lahayd. IOM waxa ay kaddib dib unoqoshada kuu hirgelin kartaa maalgelin guriyeenta, xirfad barashada ama shirkad. Ma aha in ay ku siinaayaan lacag, ee waxa aad heleysaa nidaamka-dabiiciga ah (qalab ama adeeg) iyada oo lala shaqeeynaayo xafiiska-IOM eek u yaal waaddanka aad ka timid.
  • Hey’adda BaaxaddaDunida (Stichting WereldWijd) waxa ay ka qeyb galayaasha ku garab galeysaa sidii ay shirkad ay iyaga leeyihiin u bilaabi lahayeen. Dadka ka qeyb qaadanaayo brojektiga AgabkaDunida (project WereldTools) waxaa la siinaaya sanduuq agab ah, qalab iyo makiinado si waddanka laga yimid sida ugu dhaqsida badan dib u noqoshada  keddib dib loogu shaqo geli karo. BaaxaddaDunida (WereldWijd) iyo IOM waa ay wada shaqeynayaan si ay adiga taasi si wacan kuugu habeeyaan si aad adiga waddankaada aad billow fiican uga higelin karto.
  • Jidka Adag (Solid Road) waxa ay kaa garab siinayaan marka aad dib u noqoneyso iyagoo si shaqsi ah u diyaargareyn iyo garab gal kuugu siinaayo Nederland waxa ayna kula sameynaayaan qorshe sida aad adiga kharashkaada-dib u noqosho u maal gelin karto. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay xitaa kuugu hageysaa Schiphol maalinta aad baxeyso iyo waddanka aad ka timid, iyada oo ururro lammane la ah kuugu caawini doonaan in aad aayatiin cusub dib u dhisato. Waxa oo kale aad Nederland ka raacan kartaa tababarro xirfaadeed si aad xirfad u sii barato si aad kharashka noloshaada u bixin karto dib u noqoshaada keddib. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay leedhay shaqaale ku hadla carabiga, kurdiga, ingriiska, fransiiska, nederlaandka iyo jarmalka.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa 5.0. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid. 
  • Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kuu soo bandhigeysaa xalal ku beegan xaaladdaada shaqsiga ah ee dib u noqosho. Aqoon yahannada qibradda leh, caawinayaasha iyo tababarayaasha ee Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kugula hadlaayaan afafka ingriiska, fransiiska, isbaaniya, carabiga, amxaarka, tigrinyaha, farsiga, bashtuuga ama daariga. Waxa ay si taxadder leh kula diyaar gareynaayaan dib u noqoshada iyaga oo tusaale ahaan kugu garab gelaaya helista dokumentiga, booqashada safaaradda, caawinadda caafimaad, la xiriirka xubnaha qooyska, iayagoo kula sameynayo qorshe maalgelin ee kharashka dib ula qabsashada iyo malaha inta aad u sii safar tahay waddanka aad ka timid. Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay adeegsataa ururro lammane la ah (iyaga oo isticmaalaayo shaxda Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk)) ee waddamada kala duwan oo laga yimid iyo shax u gooni ah oo dad dib u noqday.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

Hey’adda u Adeegta Qaxootiga (VluchtelingenWerk) kuma laha urur lammane u ah Aserbeidjan. Urruro kale ayaa mararka qaar ku leh halkaasi urur lammane u ah oo adiga kugu hagi karaayo dib u noqoshaadaada. Warbixin dheeraad ah kala xiriir urruradaasi ama taasi weydii hagahaada  Hey’adda u Adeegta Qaxootiga (VluchtelingenWerk).