Return to Eritrea

Ma ku fekertaa in aad waddanka aad ka timid dib ugu noqoto? VluchtelingenWerk tasi wa ay kugu hagi karaan, si aad xulasho wacan u sameyn karto ee ayaatiinkaada.
placeholder

Hey’ado kala duwan ayaa Nederland ka bixiya caawinaad dib u noqosho. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada Eritrea u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Taasi awgeed ayeeynaan cawinaadaas u bixinin. Waxaa malaha macquul ah adeegsiga hey’ado kale si aad dib ugu noqoto, iyadoo taa ku xiran nuxurka iyo xaladdaada shaqsiyadeed. VluchtelingenWerk waxa ay kula xiriiri karaan hey’adahaas mid ka mid ah. Adiga ayaa xulanaaya hey’addee ku wanaagsan xaladdaada.

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Kabista siismada ah ee dib u noqosho ee Eritrea waa kuwan:

  • €1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.
  • €2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa €1800 + €1800 + €2800 = €6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan €900.

Hey’adahee dib u noqoshada caawinaad ka bixiya?

  • VluchtelingenWerk Nederland iyaga oo ka amaba qaadayaan brojektiga Met Opgeheven Hoofd 2 (Adigoo Madaxa kuu Taagan Yahay 2) ayeey wadahadal kula gelayaan fursadahaada dib u noqosho ee waddanka aad ka timid sida ay yihiin. Innaga ma bixino hagis dib u noqosho oo Eritrea ku beegan, balse waxaan kula xiriiri karnaa hey’ado kale.
  • Solid Road waxay bixisaa tababarro gaagaaban oo kala duwan si xirfad lagu shaqeeysto loo barto. Aqoonta oo aad hesho inta tababarka socdo waxa aad uga bilaabi kartaa shirkad waddankaada oo aad ka timid. Tababarrada oo aad ku xirfad baraneeyso waxaa dhinac socda tababar ganacsiyeed markaasd dhammeysana waxaa lagu siinayaa shahaado. Waxaa la socda lacag aad u adeegsan karto qalab oo kugu caawini kara dib ula qabsashada bulshada.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid.
  • Goedwerk Foundation waxaa ay bixiyaan xalal dib u noqosho uu ku beegan xaaladda shaqsiga ah, madaama dadku kala duwan yihiin. Isku diyaarin wacan oo Nederland ka dhacdo iyo xannano dambeo oo waddanka aad ka timid ka dhacdo, waxa ay (Shaqowacan)Goedwerk dooneysaa ay ku hirgeliso in dib u noqoshaada si dhib la’aan ah u fusho. Shaqaalaha ayaa kula sameeynaayo qorshe aayatiinka waxa ayna kula eegayaan lacagta dib ula qabsashada bulshada sida aad dooneyso in aad u adeegsato.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

VluchtelingenWerk waxa ay la wada shaqeeyaan hey’ado oo ay siku lammaanan yihiin oo ku siin kara warbixin ku saabsan xaaladda waddanka aad ka timid oo kuna garabgeli kara kuna hagi kara marka aad dib u noqoneyso. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Markaa kuma lihin lammaane aan wada shaqeyno Eritrea oo ku hagi kara.

Hey’ado ayaa inta badan ku leh lammaane Eritrea oo adiga kugu hagi kara dib u noqoshadaada. Si aad u hesho warbixin dheeraad ah la xiriir hey’adahaas ama su’aal taasi hagahaada ee VluchtelingenWerk.