Dib u noqosho oo xagga Itoobiya

Dowladda Nederland waxa ay go’aansatay in ay tahay mar dhow in aad adiga Nederland ka tagto. Hadii aad ku fekereyso in aad dib ugu noqoto waddankaada oo aad ka timid markaa VluchtelingenWerk arrinkaa waa ay kula fekeri kartaa. Marka aad baadi goobto wixii macquul ah, waxa aad qaadan kartaa go’aan wanaagsan.
placeholder

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Caawinaadaan waxaa barbar socda garab gal dheeraad oo lacageed la helaayo nidaamka-REAN Ku Garab Gelista ka Haajirka iyo ka Noqoshada Nederland(REAN -regeling Return and Emigration Assistance from the Netherlands). REAN waxaad ka heli kartaa la talin, tikidh duullimaad iyo caawinaad sida aad dokumenti safar u heli lahayd. IOM Ururka Caalamiga ee Hijrada (International Organization for Migration) waxaa uu mas’uul ka yahay fulinta brograamka-REAN. Xitaa ururro kale wax ka caawina dib u noqoshada waa ay kuu codsan karaan garab galkaasi dheeraadka ah. Si aad nidaamkaasi u adeegsato waa in dhowr shuruud ah ka soo baxdaa. Weydii hagahaada in adiga aad adeegsan karto magdhowgaasi dheeraadka ah.

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Kabista siismada ah ee dib u noqosho ee Itoobiya waa kuwan:

  • € 1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.
  • € 2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa € 1800 + € 1800 + € 2800 = € 6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan € 900.

Waxaa taa barbar socda in aad nidaamka- REAN ka heli karto tusaale ahaan tikid dullimaad iyo lacag dheeraadah (€ 200 oo qaan gaarka sene, € 40 oo ah ilmaha la safraayo).

Hey’adahee dib u noqoshada caawinaad ka bixiya?

  • VluchtelingenWerk Nederland waxa ay kuugu garabgaleysaa brojektiga Met Opgeheven Hoofd 2 (Adigoo Madaxa kuu Taagan Yahay 2) in aad ka fekerto fursadahaada ee dib u noqosho. Haddii waddankadii aad ka timid aad ku ferkereeyso in aad dib ugu noqot, markaa VluchtelingenWerk waa ay ku kugu hagi karaan is diyaargareynta. Haddii aad taasi rabto, waxaan kula xiriiri karnaa hey’adda aan lammaanaha la nahay ee waddankaada. Hey’addaasi waxa ay halkaak u leedahay shax oo xiriiro waxa ayna aqoon u leeyihiin xaaladda siyaasadeed iyo dhaqaale. Marka ugu horreysa waxaan ka wada hadleynaa fursadaha tusaale ahaan shaqada, shirkad aad leedahay, in aad mar hor leh xiriir la sameyso reeraha, xirfad barashada, daryeelka caafimaadka iyo guriyeenta. Marka aad dib u noqoto waxaa ku siinaayo dejjin soo dhoweyn hey’adda lammanaha ka ah waddankaada aad ka timid waxa ayna kugu hagayaan dib-ula qabsashada bulshada iyo maalgelinta lacagta la heli karo.
  • IOM , Hey’adda Caalamiga ee Haajirka (Internationale Organisatie voor Migratie), waxa ay kuugu caawini karaan marka aad dib u noqoto sidii noloshaada aad dib gacanta ugu dhigi lahayd. IOM waxa ay kaddib dib unoqoshada kuu hirgelin kartaa maalgelin guriyeenta, xirfad barashada ama shirkad. Ma aha in ay ku siinaayaan lacag, ee waxa aad heleysaa nidaamka-dabiiciga ah (qalab ama adeeg) iyada oo lala shaqeeynaayo xafiiska-IOM eek u yaal waaddanka aad ka timid.
  • Hey’adda BaaxaddaDunida (Stichting WereldWijd) waxa ay ka qeyb galayaasha ku garab galeysaa sidii ay shirkad ay iyaga leeyihiin u bilaabi lahayeen. Dadka ka qeyb qaadanaayo brojektiga AgabkaDunida (project WereldTools) waxaa la siinaaya sanduuq agab ah, qalab iyo makiinado si waddanka laga yimid sida ugu dhaqsida badan dib u noqoshada  keddib dib loogu shaqo geli karo. BaaxaddaDunida (WereldWijd) iyo IOM waa ay wada shaqeynayaan si ay adiga taasi si wacan kuugu habeeyaan si aad adiga waddankaada aad billow fiican uga higelin karto.
  • Jidka Adag (Solid Road) waxa ay kaa garab siinayaan marka aad dib u noqoneyso iyagoo si shaqsi ah u diyaargareyn iyo garab gal kuugu siinaayo Nederland waxa ayna kula sameynaayaan qorshe sida aad adiga kharashkaada-dib u noqosho u maal gelin karto. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay xitaa kuugu hageysaa Schiphol maalinta aad baxeyso iyo waddanka aad ka timid, iyada oo ururro lammane la ah kuugu caawini doonaan in aad aayatiin cusub dib u dhisato. Waxa oo kale aad Nederland ka raacan kartaa tababarro xirfaadeed si aad xirfad u sii barato si aad kharashka noloshaada u bixin karto dib u noqoshaada keddib. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay leedhay shaqaale ku hadla carabiga, kurdiga, ingriiska, fransiiska, nederlaandka iyo jarmalka.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa 5.0. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid. Keddib dib u noqoshada waxaa ku hagaaya lammaane ku sugan waddanka aad ka timid.
  • Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kuu soo bandhigeysaa xalal ku beegan xaaladdaada shaqsiga ah ee dib u noqosho. Aqoon yahannada qibradda leh, caawinayaasha iyo tababarayaasha ee Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kugula hadlaayaan afafka ingriiska, fransiiska, isbaaniya, carabiga, amxaarka, tigrinyaha, farsiga, bashtuuga ama daariga. Waxa ay si taxadder leh kula diyaar gareynaayaan dib u noqoshada iyaga oo tusaale ahaan kugu garab gelaaya helista dokumentiga, booqashada safaaradda, caawinadda caafimaad, la xiriirka xubnaha qooyska, iayagoo kula sameynayo qorshe maalgelin ee kharashka dib ula qabsashada. Waxaa taa barbar socda in haddii loo baahdo ay ku hagi karaan inta aad duuleyso. Hiernaast kunnen zij indien nodig begeleiding op de vlucht bieden. Itoobiya waxa ay Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) ku leedahay urur lammane la ah oo inta soo socota wax ka gelik kara: garab gal dib u noqoshada keddib, gegada diyaaradaha in lagaa soo qaado iyo siismada dejjin soo dhoweyn oo wakhti xaddadan ah.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

  • Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk) ee Itoobiya waxay wada shaqeeyaan ururka Ethiopian Catholic Church Social and Development Commission (ECC SDCO).  Waxay iyaga hagaan dadka dib u soo noqday (ha ahaadeen shaqsiyo ama qooysas) sidii aay nolol cusub u bilaabi lahayeen. Waxay taasi ku soo dhowey kartaa soo noqdayaasha gegada diyaaradaha, in ay ku caawinaan raadinta hooy (ku meel gaar ah) ayna iyaga ku garab galaan sida ay shirkad yar u sameyn lahaayeen ama helista shaqo. Waxaa kaloo ay caawinaad ka bixin karaan helista waxbarasho ama  xirfad barasho wacan, xiriirro wax gal ah iyo shax waxayna dadka u gudbin karaan haddii loo baahdo hey’adaha caafimaadka. Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk) waxa ay ilaa iyo sannad keddib dib u noqoshada xiriir la lahaaneysaa ururka lammaanaha u aha si ay ula socdaan sida xaaladdaada tahay.
  • Haddii aad adiga garab galka IOM xulatay, waxaa ku caawinaaya shaqaale xafiiska-IOM ee Itoobiya sidii aad u maareyn lahayd kharashka-dabiiciga ah. Waxa aad khrashkaas u adeegsan kartaa tusaale ahaan kiro, xirfad barasho, tababar, iibka shirkad, iwl.
  • Xitaa hey’adaha kale waxa ay la wada shaqeeyaan lammaanayaal goobta ku sugan ee waddanka aad ka timid. Lammaanahaa midka uu yahay iyo maxuu kuu teri karaa waa kala duwanaan kartaa.