Dib ugu noqosho Sudaan

Ma ku fekertaa in aad waddanka aad ka timid dib ugu noqoto? VluchtelingenWerk tasi wa ay kugu hagi karaan, si aad xulasho wacan u sameyn karto ee ayaatiinkaada.
placeholder

Hey’ado kala duwan ayaa Nederland ka bixiya caawinaad dib u noqosho. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada Sudaan u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Taasi awgeed ayeeynaan cawinaadaas u bixinin. Waxaa malaha macquul ah adeegsiga hey’ado kale si aad dib ugu noqoto, iyadoo taa ku xiran nuxurka iyo xaladdaada shaqsiyadeed. VluchtelingenWerk waxa ay kula xiriiri karaan hey’adahaas mid ka mid ah. Adiga ayaa xulanaaya hey’addee ku wanaagsan xaladdaada.

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Caawinaadaan waxaa barbar socda garab gal dheeraad oo lacageed la helaayo nidaamka-REAN Ku Garab Gelista ka Haajirka iyo ka Noqoshada Nederland(REAN -regeling Return and Emigration Assistance from the Netherlands). REAN waxaad ka heli kartaa la talin, tikidh duullimaad iyo caawinaad sida aad dokumenti safar u heli lahayd. IOM Ururka Caalamiga ee Hijrada (International Organization for Migration) waxaa uu mas’uul ka yahay fulinta brograamka-REAN. Xitaa ururro kale wax ka caawina dib u noqoshada waa ay kuu codsan karaan garab galkaasi dheeraadka ah. Si aad nidaamkaasi u adeegsato waa in dhowr shuruud ah ka soo baxdaa. Weydii hagahaada in adiga aad adeegsan karto magdhowgaasi dheeraadka ah.

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Lacagaha lagu bixinaayo dib u noqoshada waa:

  • € 1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.
  • € 2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan € 300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa € 1800 + € 1800 + € 2800 = € 6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan € 900.

Waxaa taa barbar socda in aad nidaamka- REAN ka heli karto tusaale ahaan tikid dullimaad iyo lacag dheeraadah (€ 200 oo qaan gaarka sene, € 40 oo ah ilmaha la safraayo).

Hey’adahee dib u noqoshada caawinaad ka bixiya?

  • VluchtelingenWerk Nederland iyaga oo ka amaba qaadayaan brojektiga Met Opgeheven Hoofd 2 (Adigoo Madaxa kuu Taagan Yahay 2) ayeey wadahadal kula gelayaan fursadahaada dib u noqosho ee waddanka aad ka timid sida ay yihiin. Innaga ma bixino hagis dib u noqosho oo Sudaan ku beegan, balse waxaan kula xiriiri karnaa hey’ado kale.
  • IOM , Hey’adda Caalamiga ee Haajirka (Internationale Organisatie voor Migratie), waxa ay kuugu caawini karaan marka aad dib u noqoto sidii noloshaada aad dib gacanta ugu dhigi lahayd. IOM waxa ay kaddib dib unoqoshada kuu hirgelin kartaa maalgelin guriyeenta, xirfad barashada ama shirkad. Ma aha in ay ku siinaayaan lacag, ee waxa aad heleysaa nidaamka-dabiiciga ah (qalab ama adeeg) iyada oo lala shaqeeynaayo xafiiska-IOM eek u yaal waaddanka aad ka timid.
  • Hey’adda BaaxaddaDunida (Stichting WereldWijd) waxa ay ka qeyb galayaasha ku garab galeysaa sidii ay shirkad ay iyaga leeyihiin u bilaabi lahayeen. Dadka ka qeyb qaadanaayo brojektiga AgabkaDunida (project WereldTools) waxaa la siinaaya sanduuq agab ah, qalab iyo makiinado si waddanka laga yimid sida ugu dhaqsida badan dib u noqoshada  keddib dib loogu shaqo geli karo. BaaxaddaDunida (WereldWijd) iyo IOM waa ay wada shaqeynayaan si ay adiga taasi si wacan kuugu habeeyaan si aad adiga waddankaada aad billow fiican uga higelin karto.
  • Jidka Adag (Solid Road) waxa ay kaa garab siinayaan marka aad dib u noqoneyso iyagoo si shaqsi ah u diyaargareyn iyo garab gal kuugu siinaayo Nederland waxa ayna kula sameynaayaan qorshe sida aad adiga kharashkaada-dib u noqosho u maal gelin karto. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay xitaa kuugu hageysaa Schiphol maalinta aad baxeyso iyo waddanka aad ka timid, iyada oo ururro lammane la ah kuugu caawini doonaan in aad aayatiin cusub dib u dhisato. Waxa oo kale aad Nederland ka raacan kartaa tababarro xirfaadeed si aad xirfad u sii barato si aad kharashka noloshaada u bixin karto dib u noqoshaada keddib. Jidka Adag (Solid Road) waxa ay leedhay shaqaale ku hadla carabiga, kurdiga, ingriiska, fransiiska, nederlaandka iyo jarmalka.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa 5.0. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid.
  • Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kuu soo bandhigeysaa xalal ku beegan xaaladdaada shaqsiga ah ee dib u noqosho. Aqoon yahannada qibradda leh, caawinayaasha iyo tababarayaasha ee Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay kugula hadlaayaan afafka ingriiska, fransiiska, isbaaniya, carabiga, amxaarka, tigrinyaha, farsiga, bashtuuga ama daariga. Waxa ay si taxadder leh kula diyaar gareynaayaan dib u noqoshada iyaga oo tusaale ahaan kugu garab gelaaya helista dokumentiga, booqashada safaaradda, caawinadda caafimaad, la xiriirka xubnaha qooyska, iayagoo kula sameynayo qorshe maalgelin ee kharashka dib ula qabsashada iyo malaha inta aad u sii safar tahay waddanka aad ka timid. Mu’assasada Shaqowacan (Goedwerk Foundation) waxa ay adeegsataa ururro lammane la ah (iyaga oo isticmaalaayo shaxda Hey’adda U Adeegta Qaxaatiga (VluchtelingenWerk)) ee waddamada kala duwan oo laga yimid iyo shax u gooni ah oo dad dib u noqday.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

  • VluchtelingenWerk waxa ay la wada shaqeeyaan hey’ado oo ay siku lammaanan yihiin oo ku siin kara warbixin ku saabsan xaaladda waddanka aad ka timid oo kuna garabgeli kara kuna hagi kara marka aad dib u noqoneyso. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada Sudaan u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Markaa kuma lihin lammaane aan wada shaqeyno Sudaan oo ku hagi kara.
  • Hey’ado ayaa inta badan ku leh lammaane Sudaan oo adiga kugu hagi kara dib u noqoshadaada. Si aad u hesho warbixin dheeraad ah la xiriir hey’adahaas ama su’aal taasi hagahaada ee VluchtelingenWerk.
  • Haddii aad garabgalka IOM xulatay, waxaa ku caawinaaya shaqaalaha Xafiiska-IOM ee Sudan sida aad u bixineyso lacagta-dabiicga ah. Taasi inta ay tahay waxaad u adeegsan kartaa tusaale ahaan kiro, barasho xirfad, tababar, iibka shirkad iwlm.