Waxbarashada

Nederland tacliinta aad bay muhiim uga tahay. Shaqooyinka inta badan waxa aad heli kartaa marka aad shahaadooyin gaar ah aad soo qaadatay. Boggan waxaa si gaaban loogu sharraxayaa habka tacliinta Nederland. Dowladda Nederlandse waxa ay rabtaa in qof kasta uu shahaado qaato (tayo wax lagu billabo). Haddii aadan shaqo heysan oo aad lacagta shaqo laabayaasha aad qaadato ilaa iyo inta ay da’daada ka gaareyso 27 sano jir waxa laguugu qasbi karaa in aad shahaado soo qaadato. Magangelyo doonka xitaa waxaa macquul u ah in ay xirfad bartaan. Carruurta xulasho ma laha: iyaga waa in ay iskuul aadaan, taas oo ka madax bannaan xaladdooda oggoolasho.
placeholder

 

Carruurta Nederland inta ay da’da 16 sano jir iyo mararka qaar 18 sano jir ay ka gaarayaan waxbarashada waa ku qasab; in ay xanuunsan yihiin oo keli ah ayeey iskuulka kaga hari karaan. Waxaa xitaa hore fasax loogu sii codsan karaa haddii aroos, tacsi ama waajib diini ah jiro.

Dugsiga hoose

Carruurta da’dooda 4 ilaa iyo 12 jir u dhexeeyso waxa ay aadaayaan dugsiga hoose. Dugsiga hoose waxa uu leeyahay siddeed fasal. Fasalka 1 iyo 2 waxaa loogu tala galay kurayada (da’da 4 ilaa 6 jir) . Ka bilow fasalka 3 waxa ay carruurta baraneysaa akhriska, qorista iyo xisaabta. Faslaka 8 waa in ardayda oo dhan ka qeyb galaan imtixaanka kaba dambeysta ah. Natiijada waxa ay tilmaan bixin u noqoneysaa heerka uu ardayga tacliintiisa soo socota ka sii wadan karo. Macallinka xitaa taasi waxa uu ka bixin doonaa talo. Taladaasi waa midda uu iskuulka cusub inta badan qaato marka la qaadanaayo ardayga.

Tacliinta dugsiga sare

Dugsiga hoose keddib waxaa Nederland ka jira afar heer taclineed oo tacliinta dugsiga sare ah:

  • Tacliinta farsamada;
  • U diyaarinta tacliinta xirfadda dhexe (vmbo): shahaadadaan waxa aad ku geli kartaa tacliinta xirfadda dhexe (mbo);
  • Tacliinta dugsiga sare oo guud (havo): shahaadadaan waxa aad ku geli kartaa tacliinta xirfadda sare (hbo);
  • U diyaarinta tacliinta jaamacadeed (vwo): shahaadadaan waxa aad ku geli kartaa jaamacadda ama tacliinta xirfadda sare.

Carruurta hadda Nederland soo galay, waxa ay inta badan galaan marka hore Fasalka Caalamiga ee la Qabsashada (ISK) si afka Nederland-ka ay u bartaan. Qiyaastii sannad keddib waxa ay gelayaan fasal caadi oo tacliinta dugsiga sare ah. Nasiib darro uma hirgasho carruurta oo dhan in ay 18 sano jirkooda ka hor ay u gudbaan fasal caadi ah. Iyaga markaasi waa inta badan in ay tacliinta xirfadda dhexe fasalka ugu hooseeya ay wax ka sii bartaan si ay shahaado u qaataan.

ISK

Haddii aad adiga ama ilmahaaga aado ISK (fasalka caalamiga ee la qabsashada)? Oo aad rabto inaad wax dheeraad ka ogaato ISK iyo waxa aad markaa ka dib sameyn karto? markaa fiiri filimada soo socda.

  • Gogoldhig, sidee ayaa ISK ugu jiraa nidaamka waxbarashada ee Nederland iyo maxaan ka baranayaa ISK.
  • Jidka waxbarasho 1, dhinacee uu ardayga u gudbayaa ardayga marku jidka waxbarasho 1 ku jiro.
  • Jidka waxbarasho 2, waxbarashadee ayuu markuu ardayga uu aadaayaa markuu ku jiro jidka 2.
  • Jidka waxbarasho 3, waxbarasho xigta waa suura gal iyadoo la aadaayo u gudbista waxbarashada jidka 3.

Kharashyada

Dugsiga hoose iyo tacliinta dugsiga sare waxaa kharashka badankiisa bixiya dowladda, balse qaar ka mid ah qalabka iskuulka iyo tusaale ahaan rixlada iskuulka waa in waalidka ay bixiyaan kharshkooda. Dadka daqligooda hooseeyo waxa ay hey’adaha tacliinta siyaan nidaam kharashka looga dhimaayo ama mararka qaarkood khrashkaa kulligiisaba in laga cafiyo.

Mbo

Haddii aad rabdo barasho xirfad-mbo in aad gasho, balse aadan heysan shahaado Nederland ah oo tacliinta dugsiga sare, markaas waa in aad marka hore soo qaadaa Imtixaanka Dowliga NT2-1. Barasho xirfad-mbo (oo inta badan ROC ay bixiso) waxa ay kugu hageysa shaqo ugu badnaan afar sano gudahood. Barshada xirfadaha-mbo waa isku dhaf duruus iyo shaqo ama tababarasho shaqo. Mararka qaar waxa aad isla qaadan kartaa barsho xirfad-mbo iyo koorso la qabsashada bulshada ah.

Hbo iyo jaamacadda

Shahaado bajulaar – ama mastar ah waxa aad ka qaadan kartaa barasho xirfad-hbo ama jaamacad. Hbo-ga waxa uu ku wajahan yahay barashada shaqo gaar ah, marka ay jaamadda ay tahay waxbarasho u badan tiyoori. Marka aad waxbarasho sare ka gasho hbo ama jaamacad arrimahan soo socda ayaa adiga muhiimad kuu leh:

  • Ma heysatid miyaa shahaado Nederland ah? Waxbarasho sare kasta oo afka Nederland-ka ku baxdo waa in aad u soo qaadataa Imtixaanka Dowliga NT2-II. Kuwa ku baxa afka Ingriiska waa in aad sameeysaa imtixaanka IELTS- ama TOEFL.
  • Waa in aad tacliin hore oo lagu qanco leedahay. Haddii aad waddanka aad ka timid shahaado ka qaadatay, taasi waxa aad ka qiimeyn kartaa Qiimeynta Shahaadooyinka Caalamiga (IDW): www.idw.nl. Iyada oo la tixraacaayo qiimeyntaas ayaa hey’adda tacliinta go’aamineysaa in tacliintada hore lagu qanci karo iyo ama ay dhici karto mararka qaar in lagaa daayo waxbarashada (ama qeyb ka mid ah). Haddii aadan shahaado heysan iyo/ama tacliintada hore aan lagu qancin , markaa waa in aad gashaa imtixaanka oggolaashada: tijaabada oggolaashada ee 21+. Warbixin weydiiso hey’adda aad adiga waxbarashada sare aad ka qaadan rabto.
  • Sannad la qabsasho ah waa ku tala gal aad adiga iskugu diyaar gareyneyso waxbarasho sare oo hbo- ama jaamacad ah. Waxa aad wanaajineysaa tayadaada afka Nederland-ka waxa aadna qaadaneysa maadooyin waxbarashadaada sare muhiim u ah. Waxaa taa barbar socda in aad maadooyin kale qaadaneyso, sida hab tayeeynta waxbarashada, cilmiga kombiyutarka iyo ku jaheynta bulshada. Sannadka la qabsasho waxa uu xitaa ku siinaayaa fursad aad kula qabsato dhaqanka tacliinta Nederland. Warbixin weydii waxbarashadaada ama UAF-ta in aad heli karto sannad la qabsasho ah.
  • U fiirso: haddii marka aad 18 sano jirsatay aadan ku mashquul ahayn waxbarasho, ama aadan taasi dhammeynin, inta badan waxa aad ku qasban tahay in aad soo qaaddo La Qabsashada Bulshada ama Imtixaanka Dowliga NT2.

Deeqda waxbarasho iyo qeybsashada kharashka waxbarasho

Ma ku jirtaa waxbarasho ama ma ku tala jirtaa in aad sannadka waxbarasho oo soo socda in aad taasi billowdo? Mase leedahay oggolaasho joogitaan magangelyo, ama caadi ah oo wakhti aan xaddadneyn? Mana u dhexeysaa da’daada 18 sano iyo 30 sano jir? Markaa waxa aad inta badan ka codsan kartaa Adeegga Fulinta Waxbarashada (DUO) qeybsashada kharashka waxbarasho (loogu tala galay tacliinta dugsiga sare iyo mbo-ga) ama deeq waxbarasho (loogu tala galay mbo-ga, hbo-ga iyo jaamacadda). Deeqda waxbarasho qeyb ka mid ah waa haddiyad (deeqda dhammeystirka ah) qeybna waa deyn oo waxbarashadaada keddib aad dib u celineyso, qeysashada kharashka qeyb ka mid ah waa haddiyad. Ka eeg in taasi aad xaq u leedahay www.duo.nl.

 Haddii ay da’daada ay 30 sano jir ka weyn tahay aadna 55 sano jir ka yartahay iyada oo shuruudo gaar ah ay ku xiran yihiin waxa aad lacagta waxbarasho sare ama lacagta duruusta ka deynsan kartaa DUO.

Hey’adda Ardada Qaxootiga UAF

UAF-ta waxa ay ku hagaan qaxootiga waxbarashada sare iyo helista shaqo. Oggolaasho joogitaan adiga oo aan lahayn xitaa ama aan xaq u lahayn deeq waxbarasho, waxa dhici karta in lagu siiyo dhaqaale caawinaad ah oo aad waxbarasho sare ku gasho, sida ka feker tusaale ahaan lacagta waxbarasho, koorsoyaal afka ah, buugaag iyo kharashka safar. UAF-ta waxa ay xitaa kugu caawini karaan xulashada waxbarashada sare waxayna kugu garabgeli karaan waxbarashadaada sare iyo baadi goobka shaqo. Waxaa aad taasi ku heli kartaa adiga oo macaamil ahaan iskaga diiwaan geliya UAF-ta. Ka akhriso dheeraad ku saabsan geedi socodka xulashada iyo UAF-ta waxa ay sameeyso.