Shaqo & daqli

Qaxooti badan waxa ay si aad ah u rabaan in dhaqso ay u shaqeeyaan. Shaqada waa tallabo muhiim u ah sida nolol cusub Nederland looga hirgelin lahaa. Waxa aad dareemeysaa in laguu baahan yahay waxa aadna shaqeysaneysaa rootigaada. Hadana qaxooti badan waa ku adag tahay sidi ay shaqo ku heli lahayeen inta aysan afka Nederland-ka awood ku yeelan. Ilaa iyo inta aad shaqo ka heleyso , waxaa aad gargaar dhaqaale ka heleysaa dowladda. Boggaan waxa aan ku sharxeynaa sida xaalka lacagta shaqa laabaha tahay, sida shaqo loo helo iyo canshuurta daqliga.
placeholder

Yaa igu caawini karo in aan shaqo helo?

Degmadaada weydii fursadaha ka jira magaalda aad ku nooshahay iyo nawaaxigaada. Xafiisyada shaqo u dirista waxa ay inta badan dadka u diraan shaqo muddo gaaban oo shaqo bixiyaha. ‘Ngo’s’ (ururrada aan dowliga ahayn) sida Hey’adda u Adeegta Qaxootiga, UAF iyo Refugee Talent Hub waxa ay iyaga xitaa mararka qaar kugu caawini karaan helista shaqo.

Talo sidii aad iskaada shaqo u heli lahayd

  • Sameey CV (taariikh nololeedkaada) fiican oo wax kasta ku cad yihiin waxbarashadaada iyo qibradda shaqo.
  • Ku sameey warbixin qeexan www.linkedin.com raaci sawir si wacan ku metela.
  • Ku sameey warbixin qeexan www.refugeetalenthub.com.
  • Ka baadi goob shaqo bannaan internet-ka website-yada sida www.indeed.nl, www.nationalevacaturebank.nl iyo www.werk.nl.
  • Ka dhex weydii shaxdaada xiriirrada in qof ka mid ah shaqo kugu fiican ay meel ku og yihiin.
  • Marka aad xafiisyada shaqo u dirista iska diwaan gelineyso, isla markiiba si wacan isku soo bandhig. Waa in dadka jooga xafiiska shaqo u dirista ay kugu qancaan ka hor inta aysan shaqo bixiyaha ku barin.
  • Noqo mid shaqo tabarruc ah qabta. Sidaasi qibrad shaqo ayaad ku yeelanaysaa, afka Nederland-ka ayaad ku wanaajineysaa, waxa aad ku sameysaneysaa shax xiriirro, waxa aad dareemeysaa in aad wax tar leedahay, waxa aad cidda shaqo ku siin karta tusineysaa in aad jeceshahay wax qabadka. Hey’adda u Adeegta Qaxootiga xitaa waxa ay si joogto ah u raadisaa tabarruceyaal.

 

Canshuurta daqliga

Haddii aad shaqeyso, ama xitaa haddii aad lacagta shaqa laabaha qaadato, waa in canshuurta daqliga laga bixiyaa. Inta badan taasi waxaa sameynaayo shaqo bixiyahaada, ama dowladda hoose haddii aad gargaarka lacagta shaqa laabaha aad qaadato. Sannadkiiba mar ayaa Adeegga Canshuuraha ku weydiin karaan in daqliga macluumaadkaada oo dhan aad si dhijitaal ah (kombiyutarka) u soo gudbiso. Haddii warqad aad ka heshay Adeegga Canshuuraha ku saabsan canshuur bixinta, waa in aad taasi sameysaa. Adeegga Canshuuraha waxa ay markaa xisaabinayaan in canshuurta intii la rabay aad bixisay, ama in ay wax kuugu hareen oo aad bixineyso amaba dheeraad aad bixisay oo lacag laguu soo celinaayo. Si aad u hubsato in aad canshuur bixinta si sax ah aad u buux buuxisay, waxa aad caawinaad ka heli kartaa Adeegga Canshuuraha. Taasi waxa aad u dhigan kartaa ballan adiga oo adeegsanaayo Telefoonka Canshuuraha: 0800-0543.

U fiirso! Soo celinta canshuurta

Haddii lacag dheerad ah canshuurta daqliga lagaaga bixiyay, tusaale haddii sannadka qeyb ka mid ah aad ‘azc’ deganeyd, lacag ayaad soo ceshan kartaa adiga oo adeegsanaaya foomaka-M. Lakiin u fiirso: waxaa dhici karta in degmadaada ay lacagta celinta u aragto in uu daqli yahay. Markaasi degmada taasi waxa ay ka jaraneysaa lacagtaada shaqa laabaha la siiyo. Hadaba hore u sii wareeyso sida ay degmadaada ka yeesho lacagta ay canshuuraha soo celiyaan inta aadan buux buuxinin foomka-M.

Daqliga iyo shaqada wakhtiga geedi socodka magangelyo

Xaruunta magangelyo doonka waxa ay COA kugu siineysaa usbuuc kasta lacagta lagu noolaado oo loogu tala galay dhar iyo raashin. Haddii geedi socodka codsigaada uu lix bilood ka badan socdo, waa macquul in aad shaqo mushahari ah qabato ama aad iskaa u shaqeysato milkiile ahaan. Taasi waxa aad qaban kartaa ugu badnaan 24 usbuuc sannadkiiba. Shaqa bixihiyahaada waa in u taasi oggolaasho u codsadaa: oo ah Tewerkstellingsvergunning (TWV). Haddii uu daqli ku soo galo, lacagta lagu noolaado (qeyb ka mid ah) waa lagaa go’ynayaa. Wakhtiga geedi socodka magangelyo dabcan waxa aad qaban kartaa shaqo tabarruc ah (shaqo lacag la’aan ah).

 

Ma heysataa shaqo oo markaa AZC-ga guri ma uga guureysaa?

Markaa isku day inaad shaqadaada sii heysatid haddii ay suuro gal tahay oo waqtiga safarka iyo qarashka safarka laguu celinaayo. Haddii aad iskaaga shaqada uga tagto, waxaa suura gal ah inaadan xaq u lahayn ceyrta qumeytida ama degmada oo markaasi degmada ceyrta waa ay kuu diidi karaan ama dib ayey u dhigi karaan. Kala tasho qolada aad u shaqeyso, laga yaabo inaad dhowr wiig fasax qaadan karto si aad waqti ugu hesho inaad guriga sii hagaajisatid. Haddii aad saacado yar shaqeyso ama aad ka welwelsan tahay daqligaaga kala hadal degmada ama qofka kuu qaabilsan ee Fiifii enta. (Vluchtelingenwerk).

Waa lagu ruqseeyay? Ma codsan kartaa lacagta daryeelka(shaqo laabayaasha)?

Waxaan ku tuseynaa waxaad sameyn lahayd hadii shaqaada joogsato, ama aad saacado yar shaqeeyso.
Lacgtee daryeelka ayaad dalban kartaa, sidee baad yeleysaa?

Daqliga iyo samata bixinta bulshada

Marka aad adiga weli shaqo heysan, ama daqligaaga hooseeyo, waxa aad isticmaali kartaa dhowr adeegyo waxqabad. Si aad adegyadaa waxqabad u codsato inta badan waxa aad u baahan tahay nambar-BSN iyo DigiD. Ka eeg warbixinta ku saabsan DigiD bogga guri dejjinta.

1. Gargaarka lacagta shaqa laabaha

Haddii marka aad xaruunta magangelyo doonta ka timaado oo aad degmo soo degto aadna weli shaqo heysan, markaa waxa aad degmada ka codsan kartaa gargaarka lacagta shaqa laabaha. Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ayaa badanaa kugu caawineysa guuristaada ka hor taasi codsigeeda. Gargaarka lacagta shaqa laabaha waa lacag bil kasta aay dowladda Nederland ku siineyso. Waa daqli hooseeya oo dhaqaale ahaan loogu tala galay in uu kugu filaado. Haddii aad dowladda hoose deyn ka heshay oo aad guriga ku qalabeeyso, waxaa in wakhti ah ay lacag ka jaran doonaan gargaarka lacagtaada shaqa laabaha. Waxaa taasi barbar socda in dowladaha hoose qaar ka mid ah ay ku weydiin doonaan in aad beddel la timaado si aad u qaadato gargaarka lacgta shaqa laabaha sida shaqo tabarruc ah iyo/ama in aad caddeyso in duruus afka Nederland-ka aad qaadato.

2. Gunnada kirada- iyo daryeelka

Marka aad daqli hooseya leedahay, waxa aad xaq u leedahay gunnoyaal. Waxaa taa macnaheeda yahay in ay dowladda Nederland kuugu kaalmeyneyso bixinta kharashyadaada kirada iyo ceymiska daryeelka (caafimaad). Inta ay gunnada kirada iyo gunnada daryeelka la eg tahay waxa ay ku xiran tahay xaaladdaada shaqsi ahaaneed iyo inta uu daqligaada la eg yahay. Ka hor inta aadan xaruunta magangelyo doonka uga guurin guri, waxa ay COA kuu codsaneysaa gunnaga kirada- iyo daryeelka. Si ay taasi u sameyso COA waxa ay kaaga baahan tahay koobi kunturaadda kirada oo saxiixan. Haddaba ka yeel in qofaka xiriiriyahaada COA ah in uu helo koobigaas. Adeegga Canshuuraha ayaa bil kasta hore u sii bixiya gunnayaasha. Sannadka billowgiisa waxaa la xisaabinaa in gunnayaasha aad qaadatay sax ahayeen. Ka soo qaad tusaale ahaan in sannadka dhexdiisa aad heshay shaqo mushahar (badan), markaa waxaa laga yaabaa in gunnayaasha aad dib u celiso. Hadaba isbeddelaka daqligaada wakhti hore u sii gudbi Adeegga Canshuuraha. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan gunnayaasha oo af Nederland ah.

Gunnoyinka: isbeddelka daqliga u gudbi

Daqligaada wax ma iska beddeleen? Markaa waa muhiim in taasi aad u gudbiso Adeegga Cashuuraha (Belastingdienst), si aanan gunno yar laguu siinin, balse xitaa aadan wax dheeraad ah qaadan. Filimkan gaaban waxa aan kugu sharaxeynaa sida aad taasi uga beddeli karto, website-ka ee Adeegga Canshuuraha: www.toeslagen.nl

 

3. Lacagta horumarinta carruurta

Lacagta horumarinta carruurta waa kaalmo dowladda Nederland aay kuugu siineyso tarbiyadda carruurta inta ay 18 sano jir ka gaarayaan. Intee ayeey lacgaasi la egtahay, waxa ay ku xirantahay da’da ilmahaada iyo in ilmaha uu adiga kula deggan yahay. Lacagta horumarinta carrurta waxaa saddexdii biloodba mar bixiya Bankiga Ceymiska Bulshada (SVB). Haddii aad leedahy oggolaasho joogitaan, wa aad codsan kartaa lacagta horumarinta carruurta. Mararka qaar COA ayaa taasi ku sameyn karta. Lacagta lagu noolaado ee carruurta oo lagugu siiyo ‘AZC-ga’, waa lagaa joojinaayaa marka aad saddex bilood oggolaasho joogitaan heysataan keddib. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan lacagta horumarinta carruurta oo afaf kala duwan ah.

4. Miisaniyadda ku xiran carruurta

Miisaniyadda ku xiran carruurta (KGB) waa lacag bil kasta ah oo qoysaska loogu kordhiyo lacagta horumarinta carruurta. Waxaa loogu tala galay qoysaska daqligoodu hooseyo ama dhex dhexaad yahay waxaana bixiya Adeegga Canshuuraha. Haddii lagu siiyo lacagta horumarinta carruurta – haddana marka aad degmo u guurto aad qaadato gunnada kirada- iyo/ama gunnada daryeelka – si otomaatik ah ayaad u heleysaa miisaniyadda ku xiran carruurta xitaa. Ma ku sugan yahay lammanahaada waddan dibadda ah? Markaa dhibaato ayaa ka dhici karta miisaniyadda ku xiran carruurta marka lammanahaada uu Nederland yimaado. Su’aal Hey’adda u Adeegta Qaxootiga waxa aad sameyn karto si taasi aad uga hor tagto. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan miisaniyadda ku xiran carruurta oo af Nederland ah.

5. Gunnada xannaanada carruurta

Haddii aad shaqeyso ama aad duruusta la qabsashada bulshada qaadato ayna carrurtaada weli gaarin waxbarashada dugsiga sare, markaa waxaa la geyn karaa xannaanada carruurta ama xannanada dugsiga ka baxsan (BSO). Waxa aad dowladda Nederland ka heleysaa garbgal ka mid ah kharashka oo (qeyb) un baad bixineysaa. Taasi waxaa lagu magacaabaa gunnada xannaanada carruurta. U fiirso: haddii uusan lammaanahaada (weli) ku nooleyn Nederland, inta badan xaq uma lihid gunnada xannaanada carruurta. Ka su’aal weydii taasi Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ama Adeegga Canshuuraha si aad uga hor tagto in aad ku qasbanaato dib u celin lacago badan. Warbixin dheeraad ah oo ku saabsan gunnada xannaanada carrurta oo af Nederland ah.

6. Bankiga raashinka iyo nidaamyo kale

Degmooyin tiro badan waxa ka jira ururro oo cuntooyin (raashin) u qeybiya qooysaska daqligooda yar yahay. Kaasi waxaa la dhahaa bankiga raashinka (voedselbank). Hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga waxaa u fiirin karaa in taasi aad u qalanto waxa uuna kaa caawin karaa in aad is diwaan geliso. Degmo kasto waxa ay yeelan kartaa nidaamyo kala duwan oo loogu talo galay shaqsiyaad ama qoysaska daqligooda yar yahay. Waxaa uu noqon karaa maaliyad daruuri ah oo loogu tala galay kharash badan oo lama filaan ah, ama maaliyadda bixineysa lacagta qalabka isboortiga carruurtaada. Ka su’aal weydii degmadaada ama hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga.

 

 

Ma rabtaa in mowduucaan aad filimyo gaaban oo dheerad ah ka daawato?