Return to Afganistaan

Ma ku fekertaa in aad waddanka aad ka timid dib ugu noqoto? VluchtelingenWerk tasi wa ay kugu hagi karaan, si aad xulasho wacan u sameyn karto ee ayaatiinkaada.
placeholder

Hey’ado kala duwan ayaa Nederland ka bixiya caawinaad dib u noqosho. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada Afganistaan u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Taasi awgeed ayeeynaan cawinaadaas u bixinin. Waxaa malaha macquul ah adeegsiga hey’ado kale si aad dib ugu noqoto, iyadoo taa ku xiran nuxurka iyo xaladdaada shaqsiyadeed. VluchtelingenWerk waxa ay kula xiriiri karaan hey’adahaas mid ka mid ah. Adiga ayaa xulanaaya hey’addee ku wanaagsan xaladdaada.

Dowladda Nederlandse waxa ay u heysaa lacag dat iskooda dib ugu noqonaayo. Hey’ado kala duwan ayaa lacagtaa kuu dalbik ara. Qeyb ka mid ah waxaa lagu bixiyaa agab ama adeegyo (si dabiici ah) Tusaale ahaan hey’adaha qaar waxa aad ka qeyb geli kartaa tababar gaaban si aad xirfad gaar ah u barato, hey’ado kale waxaad ka heleysaa hagis sameynta qorshe ayaatiinka iyo hey’ado kale ook u siinaaya qalabka shirkadda aad sameysan lahayd. Qiimaha dhaqaale ee gargalkaasi agab ama adeegyo oo hey’ad kasta waai sla egyahay. Hal hey’ad oo keli ah ayaad markiiba iska qori kartaa. Taasi waxaa kontroleysa dowladda.

Caawinaadaa waxaa barbar socdo garabgalka ka yimaada nidaamka-REAN Garabgalka Noqdayaasha iyo Muhaajiriinta ee Nederland (Return and Emigration Assistance from the Netherlands). IOM waa hey’adda oo nidaamkaasi amarka dowladda ku fuliso. REAN waxaad ka heleysaa talo bixin, tiked dullimaad, cawinaad sida aad dokumenti lagu safro u heli lahayd, iyo lacag jeebka oo daruuriyaadka ugu horreya ku maareeyso. IOM waxa ay kaloo ku siineysaa cawinaad dhab ah inta aad safarka dib u noqosho ku jirto. VluchtelingenWerk xitaa ama hey’ado kale oo kuugu caawini kara dib u noqoshaada ayaa kuugu caawini karo in garabgalkaasi aad IOM ka codsato. Waa in balse aad ku soo baxdo dhowr shuruud (voorwaarden).

Waa tee kabista siismada ah ee jirta?

Kabista siismada ah ee dib u noqosho ee Afganistaan waa kuwan:

  • €1800 oo qofka qaan gaarka ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.
  • €2800 oo ilamaha la safrayaasha ah ama ilmo keligiis ah oo ajnabi ah, taasi oo ugu badnan €300 yuro lacag tahay.

Tusaale ahaan: qoys oo 2 qaan gaar ah iyo hal ilmo oo da’yar ah ka kooban waxaa la siinayaa €1800 + €1800 + €2800 = €6400. Wadartaasi waxaa ay ugu badnaan lacag ahaan u helayaan €900.

Waxaa taa barbar socda in aad nidaamka- REAN ka heli karto tusaale ahaan tikid dullimaad iyo lacag dheeraadah (€200 oo qaan gaarka sene, €40 oo ah ilmaha la safraayo).

Hey’adahee dib u noqoshada caawinaad ka bixiya?

  • VluchtelingenWerk Nederland iyaga oo ka amaba qaadayaan brojektiga Met Opgeheven Hoofd 2 (Adigoo Madaxa kuu Taagan Yahay 2) ayeey wadahadal kula gelayaan fursadahaada dib u noqosho ee waddanka aad ka timid sida ay yihiin. Innaga ma bixino hagis dib u noqosho oo Afganistaan ku beegan, balse waxaan kula xiriiri karnaa hey’ado kale.
  • IOM , Hey’adda Caalamiga ee Haajirka (Internationale Organisatie voor Migratie), waxa ay kuugu caawini karaan marka aad dib u noqoto sidii noloshaada aad dib gacanta ugu dhigi lahayd. IOM waxa ay kaddib dib unoqoshada kuu hirgelin kartaa maalgelin guriyeenta, xirfad barashada ama shirkad. Ma aha in ay ku siinaayaan lacag, ee waxa aad heleysaa nidaamka-dabiiciga ah (qalab ama adeeg) iyada oo lala shaqeeynaayo xafiiska-IOM eek u yaal waaddanka aad ka timid.
  • WereldTools 2018 – 2021 waxa ay ka qeyb qaatayaasha ku garab galaan sida ay shirkad u gaar ah u bilaabi lahayeen. Dadka ka qeyb gala brojektiga WereldTools (Agabka Aduunyada) waxaa la siinayaa sanduuq qalab ah, agab iyo makiinnado si ay waddanka ay ka yimaadeen sida ugu dhaqsida badan dib u noqoshada keddib ay u shaqeeysan lahayeen. Xafiiska-IOM ee goobtaasi ayaa sanduuq kuu qabanaayo marka u soo gaaro cashuuraha.
  • Solid Road waxay bixisaa tababarro gaagaaban oo kala duwan si xirfad lagu shaqeeysto loo barto. Aqoonta oo aad hesho inta tababarka socdo waxa aad uga bilaabi kartaa shirkad waddankaada oo aad ka timid. Tababarrada oo aad ku xirfad baraneeyso waxaa dhinac socda tababar ganacsiyeed markaasd dhammeysana waxaa lagu siinayaa shahaado. Waxaa la socda lacag aad u adeegsan karto qalab oo kugu caawini kara dib ula qabsashada bulshada.
  • Stichting ROS waxayaba badan oo ay leeyihiin waxaa ka mid ah brojektiga Vice Versa 5.0. Brojektigaas waxa aad ka heleysaa garabgal haddii aad iskaada waddanka aad ka timid dib ugu noqoneyso, taasi ook u beegan xaladdaada shaqsig ah. Adiga iyo tababare dib u noqoshada oo waddankaada ka yimid waxa aad isla diyaarineysaan dib u noqoshaadaada waxaad isla sameyneysaan qorshe aayatiinka waxaadna isla qorsheyneysaan isticmaalka lacagaha dib u noqoshada. Waxaa aad qaadan kartaa xirfad barashao ama koorso si keedib dib u noqoshaada aad shaqo u heshid. Keddib dib u noqoshada waxaa ku hagaaya lammaane ku sugan waddanka aad ka timid.
  • Goedwerk Foundation waxaa ay bixiyaan xalal dib u noqosho uu ku beegan xaaladda shaqsiga ah, madaama dadku kala duwan yihiin. Isku diyaarin wacan oo Nederland ka dhacdo iyo xannano dambeo oo waddanka aad ka timid ka dhacdo, waxa ay (Shaqowacan)Goedwerk dooneysaa ay ku hirgeliso in dib u noqoshaada si dhib la’aan ah u fusho. Shaqaalaha ayaa kula sameeynaayo qorshe aayatiinka waxa ayna kula eegayaan lacagta dib ula qabsashada bulshada sida aad dooneyso in aad u adeegsato.

Lammaanahee wada shaqeeyn ayaa ku sugan waddanka aad ka timid?

VluchtelingenWerk waxa ay la wada shaqeeyaan hey’ado oo ay siku lammaanan yihiin oo ku siin kara warbixin ku saabsan xaaladda waddanka aad ka timid oo kuna garabgeli kara kuna hagi kara marka aad dib u noqoneyso. VluchtelingenWerk waxa ay xaaladaha dib u noqoshada Afganistaan u aragtaa mid aysan nabadgelyadiisa sugneyn. Markaa kuma lihin lammaane aan wada shaqeyno Afganistaan oo ku hagi kara.

Hey’ado ayaa inta badan ku leh lammaane Afganistaan oo adiga kugu hagi kara dib u noqoshadaada. Si aad u hesho warbixin dheeraad ah la xiriir hey’adahaas ama su’aal taasi hagahaada ee VluchtelingenWerk.