La qabsashada bulshada

Waxaad soo degeysaa Nederland, waxaa kuu fiican inaad luqada iyo nidaamka qoran iyo kuwa aan qornayn inaad barato.Markaa dhaqso ayaa waxaad rabto u heleysaa, si fudud ayaad dad cucub u baraneysaa waxaadna daremeysaa in lagu soo dhaweynaayo. Laqabsashsda ma sahlana haddan waa mid xiiso leh: waxaa kuu furmaaya duni cusub! Guusha la qabsashadaada bulshada waxey ilaa xad aad u weyn ku xiran tahay dadaalkaaga. Laakiin la qabsashada keligaa ma sameyneysid. Waxaa Dowladda Nederlaanka iyo dadka degaankaaga wey ku caawini karaan. Waxaad soo degeysaa Nederland, waxaa kuu fiican inaad luqada iyo nidaamka qoran iyo kuwa aan qornayn inaad barato.Markaa dhaqso ayaa waxaad rabto u heleysaa, si fudud ayaad dad cucub u baraneysaa waxaadna daremeysaa in lagu soo dhaweynaayo. Laqabsashsda ma sahlana haddan waa mid xiiso leh: waxaa kuu furmaaya duni cusub! Guusha la qabsashadaada bulshada waxey ilaa xad aad u weyn ku xiran tahay dadaalkaaga. Laakiin la qabsashada keligaa ma sameyneysid. Waxaa Dowladda Nederlaanka iyo dadka degaankaaga wey ku caawini karaan.
placeholder

Waajibka la qabsashada

Inburgeringsplicht

Waajibka la qabsashada  wuxuu qof walba oo cusub u bilaabmayaa inta u dhaxeysa 18njir iyo 67 jir, isla markii aad sharciga hesho. Waxaad badiyaa AZC-ga ka dhigan kartaa casharo luqada, laakiin wuxuu tababarka la qabsashada bilaabanayaa marka aad degmada soo degto. DUO waxey kuu soo dirayaan warqad ay ku qoran tahay mudada aad heysato si aad u sameyso la qabsashada.  Ka hor dhamaadka waqtigaasi waa inaad shahaadadaada qaadataa. DUO waxey ku siin karaan ganaax haddii aad waqtiga laguu qabtay ku sameyn weydey aadna heysanin sabab fiican oo aad u sameyn weydey. Mar mar waxaad u baahan tahay waqti dheeraad ama ma kuu suuroobin inaad sameyso la qabsashada. Markaa waqtiga in laguu dheereeyo mudada ama lagaa dhaafo ayaad weydiisan kartaa DUO. Markaad imtixaanka la qabsashada qaado waxey kaloo muhiim u yihiin markaad sharciga mudada xadidan heysato ama aad baasaboor Nederlaanka rabto inaad weydiisato.

Waxaa jira laba nooc oo nidaamka la qabsashada oo nidaam kala duwan leh: nidaamka la qabsashada sugan ilaa 2013 iyo la qabsashada sugan 2021. Si aad u ogaato nidaamka adiga ku quseeyo, waxaad fiirineysaa (Beschikking) ee ku qoran inaad sharci qaadatay. Haddii uu taariikhda warqada IND yahay 1 janaayo ama ka dib, markaa kuu qaabilsan nidaamka la qabsashda 2021. Haddii uu taariikhda IND yahay ka hor 1 janaayo 2022 markaa waxaa ku qabanaayonidaamka la qabsashada ee 2013.
DUO ayaa warqad kuu soo diraayo ku qoran waajibkaaga ee la qabsashada taasoo ku qoran nidaamkee adiga kuu qaabilsan. Qofka hagahaaga bulshadana wuu kaa cawin karaa.

Nidaamka la qabsashada sugan 2013

Inburgeringsstelsel 2013

Haddii nidaamkan uu ku qaabilsan yahay, markaa waa inaad, iskaaga iskuul u raadsataa iyo tababarka la qabashada aad doorataa. Waxaad websaytka www.zoekinburgerschool.nl ee
Blik op Werk ka heleysaa iskuulo degaankaaga u dhow. Blik op Werk waxey cabiraan tayada iskuulada laga dhigto la qabsashada. Tababarka inburgering oo heysta astaanta Blik op Werk- Aqoonsigeeda iyo imtixaanada waxaad ku bixin kartaa deynta DUO. Haddii aad mudada la qabsashada loogu talo galay (badiyaa 3 sano) ku dhameyso la qabsashada aadna heysato sharciga qaxootiga, markaa looma baahna inaad deynta dib ugu gudo DUO. Waad sameysay la qabsashada hadii aad heysato cadeynta ka qaybqaadashada (PVT) aad saxiixday imtixaanka inburgering (darajada A2) ama Staatexamen NT2 (darajada B1 ama B2) aad soo qaaday. Imtixaanadan waxey ka kooban yihiin qeybaha luqada Nederlaanka (aqriska, qorista, hadalka iyo maqalka), Aqoonta Bulshada Nederlaanka (KNM) iyo Indho Indheynta Suuqa Shaqada (ONA). Wax dheeraad ook u saabsan la qabsashada sugan 2013 ka aqriso websaytka DUO. Waxaad kaloo warbixin weydiin kartaa hagahaaga bulshada.

Nidaamka la qabsashada sugan 2021

Inburgeringsstelsel 2021

Haddi ay nidaamkan adiga ku qaabilsan yahay, degmada ayaa dooreysa nooca tababarka la qabsashada adiga kugu habboon. Degmada ayaa bixineysa qarashka la qabsashada marka aad heysato deganaansho magangelyodoonka. Waxaad ka sameyneysaa degmada wadahadal hore si ay si fiican kuu bartaan. Waxaa kaloo la qaadayaa imtixaan si loo fiiriyo dhaqsaha aad wax u barato. Warbixintan ayaa degmada ay fiirineysaa jidkee la qabsashada adiga kugu habboon. Waxaa jira seddex jidad ah:1. Waa B1-route, 2. Waa onderwijsroute iyo
3. Waa Z-route . waxaa natiijada iyo ballamada lagu qorayaa PIP: waa mashruuc la qabsashada iyo ka qeybqaadashada. Maka shakineysaa ballamada PIP ku qoran? Kala hadal hagaahga bulshada. Waxaad la qabsashada ka gudubtay marka aad saxiixdo cadeynta ka qeyb qaadashada (PTV) iyo haddii aad aad jidka la qabsashada aad dhameysatey. Luqada Nederlaanka ka sokow waxaad kaloo qaadaneysaa Aqoonta Bulshada Nederlaanka (KNM).
Iyo Maadada Suuqa Shaqaalaha iyo Ka Qeyb Qaadashada (MAP). Wixii dheeraad eek u saabsan La qabsashada sugan 2021 waxaad ka aqrineysaa websaaytka DUO.
Waxaad kaloo warbixin weydiin kartaa qofka kuu qaabilsan degmada ama hagahaaga bulshada.

Luqada Nederlaanka aad tababarato

Nederlands oefenen

Waa muhiim inaad luqada Nederlaanka ku hadashaa saad u barato. Waxaa heli kartaa tababare luqada oo ka socda VluchtelingenWerk ama urur kale? Ma leedahay deris ama asxaab aad luqada kula tababarato? Ama waxaad ka shqeyn kartaa shaqo iskaa wax u qabso ah, markaa shaqadana waa baraneysaa luqadana waa baraneysaa. Haddii aad iskaaga rabto inaad luqada lu tababarato waxyaalo badan ayaa suura gal ah, sida:

Maktabadaha

Maktabada waad ku tababaran kartaa luqada ama buugaag luqada Nederlaanka ayaad ka amaahan kartaa. Waxaad kaloo maktabada u aadi kartaa dhaqdhaqaaqyo kale oo ay sameeyaan kaasoo kaa caawinaaya si aad wadanka ula qabato. Waxaad websaaytka maktabada ka heleysaa coorsooyin luqada-iyo kambiyuutarka iyo tababaro, sida Diglin+

Oefenen.nl

Magaca webka waa :ka heleysaa casharo badan oo luqada ah oo darajado kala duwan leh, sida Taalklas.nl, het  Leesplankje en Lees en schrijf! Ka raadi ‘ik wil oefenen met’
Waxaad websaaytkan ka heleysaa casharo luqada iyo wixii ku kala duwan yahay—Taal.

NT2 Taalmenu

Tani waa websaaytka waxaa laga bilaaba A1 darajada ee luqada aad ka baran karto,

Waxbarashada mustaqbalka

Jaamacadda Groningen waxey bixisaa dhowr jeer sannadkii online-ka cashar Nederlaanka, dadka waxbarashada sare soo maray. Tababarka xagga Future Learn.

Hadda ayaad timid Nederland

Waxaad websaaytka www.netinnederland.nl ka heleysaa fiidiyowyo Nederlaanka ah, Inglishka ama  Carabiga lagu hoos qoraayo. Waxaad ka heli joornaalka iyo mawduucyo kale ayaa ka fiirin kartaa oo mawduucyo kala duwan ah.

Dowrka VluchtelingenWerk

Rol van VluchtelingenWerk

Haddii aad su’aalo qabto la qabsashada?Weydii qofka kuu qaabilsan ee VluchtelingenWerk. Annaga ayaa kaa caawin karna warbixinta waajibka la qabsashada iyo kula talin karna waxa suura gal ah si aad luqada Nederlaanka u barato.