Ka noqo tabarruce Hey’adda u Adeegta Qaxootiga

Ma ogotahay inta badan ee hagayaasha Hey’adda u Adeegta Qaxootiga in ay yihiin tabarruceyaal? Adiga xitaa waad qaban kartaa shaqo tabarruce. Sidaasi waxaad ku wanaajin karkaa afkaada Nederland-ka, waxa aad dhiseysaa shaxda xiriiradda aad leedahay, waxtar in aad tahay ayaad dareemeysaa, waxaadna yelaneysaa qibrad shaqo. Xitaa Hey’adda u Adeegta Qaxootiga si joogto ah ayeey tabarruce gaar ahaan assalkiisu qaxooti ah u raadiyaan.

Tarjumis

Marka ay Hey’adda u Adeegta Qaxootiga la hadleyso qaxootiga waxa ay inta badan u baahan yihiin tarjume. Haddii aad hore ugu hadasho af Nederland fiican ama macquul ah, waxa aad in badan ku caawini kartaa tarjume ahaan. Tarjumeyaasha tabarruce ah waxaa lagu casumaayaa in ay tabar qaataan.

War bixiyeyaal

Nasiib darro Nedrlaand-ka dhammaantood ma aha kuwa u furfuran qaxootiga. Inta badan waxaa dhaqankaa uu ka soo askumaa eedeyn barasho horteed ah. Warbixin la siiyo ardayda iyo waayeelka ayeey Hey’adda u Adeegta Qaxootiga u adeegsataa baahinta dulqaadka in la magangeliyo qaxootiga. Warbixin mowducaasi ama qof casumaad dersi ku bixiya waxa ay raad weyn reebaan marka qof qaxooti ah uu sheekadiisa/eeda ka qiseeyo. Qaxooti badan ma aha kuwa jecel in ay ka hadlaan wixii soo maray, balse qofkii raba ee karana, macna weyn ayuu u leeyahay baahinta dulqaadka loo qabo qaxootiga. Xujjada waa in aad af Ingriis ama Nederland fiican ku hadasho.

Tababareyaal

Xaruumaha qaar waxaa lagu siiyaa qaxootiga tababar iyo warbixin ku baxa afkooda, tusaale ahaan inta uu socdo Ku Talagalka Caddeynta ka Qeyb Qaadasho. Xujjada halkaa waa in aad Nederland-ka fahmeyso aadna ka hesho in aad koox soo hor istaagto.

Ka sheeg qisadaada media-da

Hey’adda u Adeegta Qaxootiga waxaa si joogto ah uga soo codsada wargeysyada, broogramyada radiyaha iyo telefishanka Nederland-ka oo raadinaaya qaxooti doonaaya in qibradooda ay ka shekeeyaan. Tusaale ahaan barashada afka, isku keenista qoyska ama sidee u arkaan in ay dib mar cusub nolosha u soo dhisaan. Ma dooneysaa in taasi kala hawl gasho media-da degaanka? U sheeg markaa hagahaada. Ma dooneysaa in aad la shaqeyso media-da waddanka? Markaa u dir e-mail oo ku qoran afka Ingriiska ama Nederland-ka persvoorlichting@vluchtelingenwerk.nl. Haddii aan media-da ka helno codsi adiga kuu qalma, xiriir ayaan kula soo sameyneynaa.

Riix halkan si aad u raadiso shaqooyinka ka bannaan Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ee magaalada aad deggan tahay, ama ogeysii Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ee xaruuntaada magangelyo doonka ama magaalada aad deggan tahay in aad shaqo diyaar u tahay.