Guri dejjinta

Marka lagu siiyo oggolaasho joogitaan, waxa aad u guuri kartaa degmo. Dowladda ayaa go’yenso degmada aad degi doonto. Degmadaasi waxa ay ku siineysaa guri waxa ayna ku dadaalayaan markaasi in ay ku xisaabtamaan xaaladahaada. Dhab ahaanta gurigaasi ma diidi kartid, waayoo run ahaantii laguma siinaayo guri kale.  
placeholder

 

Keddib marka aad kunturaadda kirada (ijaarka) aad saxiixdo, waxaa muhiim ah sida ugu dhaqsida badan in aad degmada iskaga diwaan geliso. Markaa keddib un baad codsan kartaa lacagta dadka aan shaqeynin. Inta badan qof baa jira oo taasi kugu caawini karo, sida hagahaada ee Hey’adda u Adeegta Qaxootiga, urur kale ama degmada.

Qalabeynta guriga

Si aad gurigaada ugu horreya aad u qalabeeyso waxaa inta badan aad degmada ka heleysaa deyn. Inta ay tirada lacagta la egtahay degmayaasha waa ay ku kula duwanaan karaan. Dukaanka qalbka la soo isticmaalay alaabo badan iyo qalabka guryaha ayaad lacag yar uga iibsan kartaa.

 

Boostada online-ka sida loo habeeyo

Sidee ayaad aragtii guud uga heli kartaa akhbaarta muhiimka ah, qaansheegadka digitaalka ah iyo xayeeysiinta oo emailka aad ku hesho? Filimkan gaaban waxa aan kugu sharaxeynaa sida aad boostadaada online-ka ah aad u habeysan karto, si aad xisaabaha wakhtigooda ugu bixin karto aadna caawinaad weydiisan karto haddii aad email si fiican u fahmi weyso.

Email-ka wax lagu gaado (Phishing) iyo xad gudubka soshaal-mediyada

Iyada oo e-mail been abuur ah ama akhbaar soshaal-mediyada adeegsanaayo, waxa ay mujrimiinta isku deyayaan in ay jabsadaan xisaabtaada bankiga ama ay ku weydiiyaan in aad lacag soo shubto. Filimkan gaaban waxad ku arkeysaa sida aad emaillada been abuurka ah ku oqoonsan karto iyo waxa aad u fiirsaneyso haddii qof tusaale ahaan lacag whatsapp kugu soo weydiisto.

Talooyin keyd

Mararka qaar lacag la'aan ma ku haleeshaa? Haddii daqligaada is beddelo, amaba si lama filaan ah kharshada kuugu kordhaan, waa ay wacan tahay in aad ogaato maxaad sameyn kartaa si aad keyd u lahaato.
Filimkan gaban waxaan kuugu siineynaa taasi talooyinkeeda.

Kharashka joogtada ah ee gurigaada

Guryaha kirada ah waa in bil kasta kirada aad hore u sii bixisaa, hadaba bisha kowdeeda ka hor. Degmooyinka qaarkood waxa aad ka deysan karta lacagta kirada bisha kowaad. Haddii aad daqli yar leedahay aadna keli ahaantaa guri kiro ah deggan tahay, inta badan waxaa lagu siinayaa lacagta gunnada kirada. Taasi ka eego bogga daqliga & shaqada. Korontada (dabka) iyo gaaska waa in aad kunturaad la gasha shirkadaha tamarta. Biyaha (iyo diirinta {kululeeynta} ee magaalada oo beddela gaaska) kala xulasho ma lihid waa in aad iska diwaan gelisaa shirkadda ciwaankada ka hawl gasho. Telefishinka, telfoonka iyo internet-ka xulashada waa mid waasic ah. Weydiiso caawinaadda hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga marka aad kala xulaneyso kuwaasi. Kharash kale oo joogto ah waa cashuurta dowladda hoose iyo cashuurta maamulka biyaha oo sannadle ah. Cashuurahaasi waxaa aad heli kartaa in lagaa cafiyo haddii uu daqligaada mid aan kuugu filneyn yahay.

Sicir barar tamarta

Sicirka gaaska iyo korontada ilaa muddo wuu sareeyaa. Haddii aan weli qarashka bisha weli lagugu kordhin sannadka dhamaadkiisa ayaa wax badan bixineysaa.
dhibaatadan waxey u daran tahay guryo aan dahaarka lahayn.
Si looga hortago in shacabka aysan dhibaato u qaban, waxey dowlada hoos u dhigtay ilaa muddo hoos u dhigtay qiimaha tamarta. Waxaa kaloo soo socda gunno hal mar ah oo dadka daqligooda yar yahay.
laakiin labadan tallaabo ma kaafin doono in lagu magdhabo sicirka tamarta kordhisteeda.

Adiga waxaad sameyn kartaa, inaad qarashka tamarta u sii kordhin:

  • Haddii aad heshiis cusub oo tamarta sameyneyso: waxaad hadda qaadataa heshiis gaaban ee ha qaadan 2 ama 3 sannadood.
  • waxaad filimkan ka heleysaa sharaxid lacagta hormariska bisha la bixiyo iyo xisaabta sannadka.
  • Filmkan waxaa ka heleysaa talooyin dhaqaaleynta, sida aad dhaqaaleynt tamarta u sameyn kartid.

Haddii aad dhibaato ku qabto bixinta qarashkaa (tamarta) : caawinaad weydiiso Vluchtelingen Werk ama qumeytida.

Nambarka-BSN

Marka lagu siiyo oggolaasho joogitaan, waa in lagaa diwaan geliyaa Diwaanka Aasaasiga Dadka (Basisregistratie Personen) (BRP). COA-da ayaa kuu sheegi karta goorma iyo halkee taasi ka dhacaysaa. Markaa keddib waxaa lagu siinayaa nambarka adeegga muwaadinka (burgerservicenummer) (BSN). BSN-ka waa nambar qofka u gaar ah aadna u baahan tahay marka aad dowladda la xiriireyso.

Codsiga DigiD

Mar kasta waxaa sii kordhaaya kula xiriirka dowladda ee internet-ka: codsiyaasha oo dhan waxaa lagu gudbiyaa website-ka, warqadaha ma ku yimaadaan boostada ee waxaa ay ku jiraan online-ka Sanduuqa-Akhbaarta. Inta badan waxa aad u baahan tahay DigiD: magac isticmaale oo shaqsi ah iyo kood ku ilaalin. COA-da ama hagahaada ee Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ayaa kuugu caawini kara codsiga DigiD, amaba adiga ayaa iskaada u sameysan karo adeegso https://digid.nl/aanvragen. Waa muhiim in aad koodka ku ilaalinta DigiD aad si fiican u xusuusato. Koodkaasi ku ilaalin waa mid adiga shaqsi ahaan ku gaar ah, dad kale ha la wadaagin. Garaac link-ga xagga hoose oo boggaan haddii aad warbixin dheeraad ah DigiD ka dooneyso. Haddii aadan weli internet-ka ku fiicneyn, ama aad si madax bannaan rabto in aad u isticmaasho Sanduuqa-Akhbaarta iyo website-yada dowladda, waxa aad maktabadaha badankooda ka geli kartaa koorso. Wax kasta oo DigiD la xiriira afafka nederlaandka, ingriiska, fransiiska iyo carabiga.

Doowrka Hey’adda u Adeegta Qaxootiga

  • Hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga waxqabad badan ayuu kaa saacidi karaa, inta badan ka hor inta aadan xaruunta magangelyo doonka uga guurin gurigaada. Keddib marka aad guurto, waxaa aad u tegi kartaa hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ee degmadaada. Haddii aysan Hey’adda u Adeegta Qaxootiga ka hawl gelin degmadaada, urur kale ama degmada ayaa ku siin doono hagis.
  • Haddii gurigaada ugu horreya aad rabto in aad guri kale uga guurto, waa in aad iskaada u raadsataa. Innaga taasi inta badan kaama siineyno hagis. Waxaanse kuu heynaa ‘Checklist Verhuizen’ : aragti guud dhamaan arrimaha la rabo in aad sameeyso.