Daryeelka caafimaad

Nederland waxa ay leedahay daryeel caafimaad oo wanaagsan. Waxaase habka daryeel ee Nederland leeyahay nidaam gaar ah oo aay tahay in aad taqaano. Bogaggaan waxa aad ka heleysaa warbixin ku saabsan ceymiska qasabka ah ee daryeelka, qeybta aad khasaaraha ka bixineyso, gunnada daryeelka, dhakhtarka qooyska, daryeelka taqassusaka ah iyo dheeraad.
placeholder

Ceymiska qasabka ah ee daryeelka

Nederland qof waliba marka laga bilaabo da’da 18 sano jir waa ku qasab in uu ceymis kharashka xannuunnada galaa. Ceymiska daryeelka waxa uu bixinaayaa kharashka marka aad dhakhtarka qooyska u tagto qeyb ka mid ah daawooyinka iyo hawlgallada cisbitaalka. Intee la egtahay ceymiska inta dhabta ah uu bixinaayo iyo kharashkee ay tahay in aad adiga bixiso, waxa uu ku xiran yahay laba shey: isku dhafka ceymiskaada iyo qeybta aad khasaaraha ka bixineyso. Isku dhafka ceymiska qeyb ka mid ah adiga ayaa xulan kara: waxa ka soo hara ceymiska aasaasiga caadiga ah oo qasabka ah waxa aad geli kartaa ceymisyo kala duwan oo dhameeystir ah. Waxaa taasi barbar socda ceymiyeyasha badankooda in ay leeyihiin qeybta aad khasaaraha ka bixineyso oo sharciga qasab ka dhigay: taasi waa qeybta lacagta oo adiga marka hore sanadkiiba in aad iska bixiso ay tahay, inta aadan xuquuq u yeelan in ceymiska kharashka kaa bixiyo. Qeybta aad khasaaraha ka bixineyso ma quseeyo booqashada dhakhtarka qooyska, kaasi mar kasta waa lagaa bixinaayaa. Carruurta inta aysan gaarin da’da 18 sano jir waxa ay lacag la’aan iskula qori karaan ceymiska waalidka mid ka mid ah. Carrurta ma quseeyo qeybta aad khasaaraha ka bixineyso.

Waxa aad xulan kartaa ceymis daryeel raqiis ah oo leh qeybta aad khasaaraha ka bixineyso oo sarreya, balse kaasi caqli ma aha haddii aadan lahayn dhaqaale aad iskaga bixiso (keyd lacageed). Hagahaada Hey’adda u Adeegta Qaxootiga waxa uu kugu caawini karaa in aad heshiis la gasho ceymiska daryeelka.

Degmooyinka qaarkood waxa ay dadka qataata lacagta dadka aan shaqeynin geli karaan ceymis daryeel oo wax badan daboolayo, kasoo aad bil kasta lacag dheeraad ah bixineyso, balse aan lahayn qeybta aad khasaaraha ka bixineyso.

Gunnada daryeelka

Dadka leh daqli hooseeya waxa ay dowladda dhexe ka helayaan gunno daryeelka si ay qeyb ka mid ah ceymiska daryeel ay iskaga bixiyaan. COA-da ayaa sida dhici karta kuu sii dalabtay gunnada daryeelka ka hor inta aad degmada u guurin. Haddi aadan gunno helin, si degdeg leh ugala hadal hagahaada.

Dhakhtarka qooyska

Nederland waa in aad cabashadaada caafimaad mar kasta ugu horreynta aad ula tagtaa dhakhtarka qooyska. Taasi waa mid quseeysa haddii aad uur leedahay, talo xagga caafimaadka rabto, ama xanuun xagga fekerka leedahay,sida dhibaato xagga jiifka, cabsi iyo wakhti dheer feker murugo joogto ah. Dhakhtarka qooyska oo keli ah ayaa kuu gudbin kara daryeel taqassus ah, oo inta badan cisbitaalka ah. Si aad ballan uga sameysan karto dhakhtarka qooyska, waa in aad marka hore isaga ama iyada aad macaamil ahaan iskaga diwaan gelisaa. Sii weydii xitaa in ceymiskaada daryeel yahay mid quseeya dhakhtarkaasi qooyska. Haddii hore xaruunta magangelyo doonka diwaangelin cafimaad lagugula yeeshay, markaasi waxa dhici karta in aad Nederland gal caafimmad ku leedahay. Dhakhtarkaada qooyska ee cusub waxaa uu Xaruunta Caafimaadka Magangelyo Doonka (GCA) ka codsan karaa galkaasi. Ama wixii ka dambeeya 1 janaayo 2018 wuxuu ka codsan karaa Arts&Zorg.

Dhakhtarka ilkaha

Haddii aad xanuun ilkaha ah leedahay, ama si aad taasi uga hortagto, waa in aad dhakhtarka ilkaha u tagtaa. Xitaa dhakhtarka ilkaha waa in aad marka hore macaamil ahaan iskaga diwaan gelisaa. Kharashka dhakhtarka ilkaha ku ma jiraan ceymiska daryeel ee aasaasiga ah. Kharashkaasi waa in aad iskaada iskaga bixisaa haddii aadan lahayn ceymis dheeraad ah oo dhakhtarka ilkaha ah. Kharashka dhakhtarka ilkaha (oo ay ku jirto baaritaan lixbiloodle ah) ee caruurta ilaa iyo da’da 18 sano jir waxaa sida badan caadiyan bixya ceymiska aasaasiga ah.